Maydadka Raggii Shabaabka ee weeraray Hotelka Dusitd2 oo loo qaaday Mareykanka

0
807

Maydadka Raggii Shabaabka ee weeraray Hotelka Dusitd2 oo loo qaaday Mareykanka

Maydadka lix ka mid ah raggii weeraray Hotelka DusitD2 ee Magaalada Nairobi ayaa loo qaaday Dalka Mareykanka si baaris loogu sameeyo.

Qof ku dhaw arrintan ayaa wargeyska Nairobi News u xaqiijiyay in FBI-da Mareykanka ay qaateen Meydadka shan ka mid ah Raggii weerarkaas geystay iyo haraadiga qofka lixaad ee is qarxiyay.

Baaritaanka lagu sameeynaayo meydadkaas waxaa kale oo la xaqiijiyay in ay ku lug leedahay hay’adda Sirdoonka Israel ee Muusaad loo yaqaan.

Dhawr maalmood kaddib ayaa wakiillo ka kala socda FBI-da iyo Muusaad ay ku sugnaayeen Hotelka iyada oo adeegsanayay Kiimikooyin si ay u uruuriyaan haraadiga hilbaha laga helay goobta weerarka kaddib.

Agaasimaha laanta Dambi baarista Kenya George Kinoti, ayaa horay u sheegay in Maydadka baaritaan lagu marsiinayo gudaha dalka Kenya, waxaana uu xilligaas muujiyay in khubarro caalami ah ay baaritaanka qeyb ka noqon doonaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here