Maxkamadda Dambiyada ee Caalamiga ah ee ICC oo laga dalbaday in ay baarto Dambiyada ka dhacay Suudaan.

0
142

Maxkamadda Dambiyada ee Caalamiga ah ee ICC oo laga dalbaday in ay baarto Dambiyada ka dhacay Suudaan.

Baaqyo dhinacyo kala duwan ah oo la xiriira baarista dambiyada ka dhacay Dalka Suudaan ayaa loo diray Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada loona soo gaabiyo ICC si loo helo cid qaadata mas’uuliyadda xadgudubyada ka dhacay Dalkaas.

Qaar kamid ah Dadka u dooda Xuquuqda Aadanaha ee Jamhuuriyadda Suudaan ayaa sheegay in ay jiraan Kiisas badan oo bannaanka yaalla iyo kuwo dahaaran oo u baahan in dhammaantood galdacwadeed rasmi ah laga furo.

Ciidamada ay kala wataan labada Janan ee lagu kala magacaabo Maxamed Daqlo iyo Cabdifitaax Al-Burhaani ayaa geystay xadgudubyo kala duwan oo marka laga furo kiis dacwadeed lagu maxkamadeyn karo.

Qoysas badan ayaa ku doodaya in ay waayeen xubno ehelkooda kaddib markii si bareer ah loo beegsaday halka qaar kale ay naftooda ku waayeen duqeynta aan loo meel dayin ee qaybahaha kala duwan dalkaas ku dhaceysa.

Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah ee ICC ayaa horay u heysay kiisas kala duwan oo laga hayay xubno uu kamid yahay Madaxweynihii hore ee Dalka Suudaan Cumar Xasan Axmed Al-Bashiir kuwaas oo si gaar ah uga dhacay Daarfuur.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here