Maxkamad Ku Taalla Masar Oo Xukun Dil Ah Ku Riday 75 Qof Iyo Hay’adda Amnesty International Oo Cambaareysay

0
629

Maxkamad Ku Taalla Masar Oo Xukun Dil Ah Ku Riday 75 Qof Iyo Hay’adda Amnesty International Oo Cambaareysay
(DLN-Masar)-Hay’adda u dooda xuquuqul insaanka ee Amnesty international ayaa cambaareysay xukun dil ah oo shalay lagu riday 75 qof dalkaasi Masar.

Hay’adda ayaa ku tilmaamtay xukunkani ay maxkamada riday mid ay siyaasad ka dambeyso.
Hussein Baoumi oo ka tirsan hay’adda Amnesty International oo BBC la hadlay ayaa sheegay in eedeeysanayaasha aan la siin xaq ay isku difaacaan.
waxaa ka mid ah dadka xukunka lagu riday xubno sarsare oo ka tirsan ururka Akhwaanul muslimiinka dalkaasi Masar.
Waxaa ay dadkani qeyb ka ahaayeen tiro ka badan 700 qof oo loo haystay mudaaharaadyo ay dad badani ku dhinteen oo dalkaasi Masar ka dhacay 2013.
Rabshadahani ayaa 2013 ka qarxay fagaaraha Rabaa al-Adawiya oo ku yaalla magaalada Qaahira.
Dibadbaxyadaasi ayaa waxa ay ciidamada ammaanka ku dileen boqolaal qof oo dibadbaxayaasha ka mid ahaa.
Waxaa dadka xukunka lagu riday ka mid ah saxafi sawir qaade ah oo lagu magacaabo Mahmoud Abu Zeid, oo loo yaqaano Shawkan, oo lagu xukumay 5 sano oo xarig ah.
Saxafigan ayaa horey ugu guulaystay abaalmarino ku aadan xirfadiisa.
Boqolaal qof ayay booliiska xireen ka dib dibadbaxyadii taageerayaasha madaxwaynihii xilka laga tuuray Axmed Mursi ay dhigeen ka dib markii ay ciidamada la wareegeen talada dalkaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here