Maxkamad ku taalla Australia ayaa xukun xabsi daa’in ah ku xukuntay Erin Patterson kaddib markii ay sun ku dishay saddex kamid ah qoyska Nin ay kala tageen halka dhaawac daran uu suntaas kala kulmay qof kale sida lagu sheegay eedaha loo jeediyay.
Erin ayaa qadasho ku marti qaadday xubnahaan inkasta oo la sheegay in uu ka cudur daartay Ninkii ay kala tageen, kaddib waxa ay sun u marisay hilibkii ay cuneen Dadkaas oo markii dambe dhintay, dhacdadaan oo dhacday Bishii July sanadkii 2023 ayaa tan iyo xiligaas la baarayay.
Dacwad oogaha ayaa sheegay in aanay jirin qoomamo ay haweenaydaan ka muujineyso ficilkaas galaaftay nolosha saddex ruux iyo dhaawaca joogtada ah ee qofka kale soo gaaray, waxa uu dalbaday in aan laga qafiifin xukunkaas ku dhacay ee xabsi daa’inka ah.