Maxamed Salax “Dadka Gaza waxa ay si degdeg ah ugu baahan yihiin cunto, biyo & sahay caafimaad.”

0
120

Weerar yahanka kooxda Liverpool iyo xulka Masar Maxamed Salah ayaa ku baaqay in hogaamiyayaasha adduunka ay isu yimaadaan si ay uga hortagaan duqeymaha ay Ciidamada Israa’iil ka geysanayaan Gaza.

Salax oo muuqaal uu iska soo duubay soo dhigay batiisa Twitter-ka ee hadda loo yaqaan X, socdayna 50 ilbiriqsi ayaa uga hadlay xaaladda ka taagan Magaalada Qaza, oo maalimihii la soo dhaafay ay ka socotay duqeyn.

Maxamed Salax ayaa wax laga naxo ku tilmaamay duqeynta loo geystay isbitaalka Al-Ahli Arab. Isaga oo arintaas ka hadlaya waxa uu yiri, “Dadka Gaza waxa ay si degdeg ah ugu baahan yihiin cunto, biyo & sahay caafimaad.”

Sidoo kale Maxamed Saalax ayaa hadalkiis sii raacsiiyey, “Noloshu waa muqadas, waana in la ilaaliyo, xasuuqa ayaa loo baahan yahay in la joojiyo, qoysaska waa la kala geynayaa. Waxaan ugu baaqayaa madaxda adduunka in ay isu yimaadaan si looga hortago in la laayo naf kale oo aan waxba galabsan.”

Saraakiisha caafimaadka ayaa sheegay in boqolaal qof ay ku dhinteen duqeyn ka dhacay isbitaal ay dadku ku badan yihiin oo ku yaalla magaalada Gaza habeenkii talaadada.

Diyaaradaha dagaalka iyo madaafiicda Israa’iil ayaa duqeymo ka waday Gaza, ka dib weerar aan horay loo arag oo Israa’iil ay 7-dii bishii Oktoobar ku qaadday kooxda ugu weyn ee Falastiiniyiinta ee Xamaas, kaasoo ay ku dhinteen 1,400 oo qof.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here