Maxaa keenay kuleylka xad dhaafka ah ee ka jira Yurub?

0
494

Maxaa keenay kuleylka xad dhaafka ah ee ka jira Yurub?

Qaaradda Yurub ayaa waxaa hadda ka jira kuleyl aad u daran oo lagu soo warramayo inay u dhinteen dhowr qof, kuwo badana loo dhigay cisbitaallada.

Magaalooyinka qaar ayaa heer kulka waxa uu gaaray ilaa 45 digrii, waxaana dadweynaha loogu baaqay inay guryahooda ku nagaadaan, iyadoo la fasaxay iskuullada.

Dalka UK ayaa Sabtidii diiwaangeliyay maalintii ugu kululeyd ee sanadkan, iyada oo heer kulka degmada Northolt iyo garoonka diyaaradaha ee Heathrow ee waqooyiga London uu gaaray 34C.

Khubarada saadaasha hawada ayaa sheegaya in hawo kulul oo ka timid waqooyiga Afrika iyo cadaadiska sare ee hawada bartamaha Yurub ay keeneen kuleylkan xad dhaafka ah.

Haseyeeshee waxa ay rajeynayaan in maalmaha soo socda uu hoos u dhici doono.

KuleylLahaanshaha sawirkaAFP
Image captionDadka ayaa loogu baaqay inay biyo badan cabbaan.

Mubaaraka Faarax Cali oo ah Soomaali degan magaalada Paris ayaa laanta af-Soomaaliga ee BBC u sheegay in markii ugu dambeysay uu heer kulka intan gaaray sanadkii 2015.

Muxuu kuleylkan uga duwan yahay kan Afrika?

Kuleyka Afrika ayaa wata hawo fiican oo qofka u sahasha inuu jirkiisa qaboobo, balse kan hadda ka jira Yurub ayaa ah mid huur leh oo aan wax hawo ah wadan.

Mubaarak ayaa sheegay in inta badan dadka Yurub aanay u baran kuleylka noocan ah, sidaa darteedna uu jirkooda la qabsan la’ yahay.

Caasimadda Paris ayaa Khamiistii iyo Jimcihii waxaa la fasaxay dugsiyada si aanu kuleylka u saamayn ardayda.

Dowladaha Yurub ayaa dadkooda ugu baaqay inay biyo badan cabbaan oo ay iska ilaaliyaan waxyaabaha keeni kara inuu kuleylka saameeyo sida ciyaaraha fudud.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here