Masar oo sheegtay in ay burbureen wada hadallada Webiga Nile
Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Masar, Badr Cabdilcaati, ayaa sheegay in wadahadalladii u dhexeeyay Masar, Itoobiya iyo Suudaan ee la xiriiray biyo-xireenka ee Itoobiya ay istaageen, taasoo ka dhigan in aanay wax natiijo ah laga gaarin.
Wasiirka ayaa arrintaasi ku tilmaamay nasiib darro, isaga oo si cad u sheegay in markasta ay doonayeen guulleysiga wada hadallada, balse ay sii socon waayeen.
“Waxaan si toos ah u sheegnay in geeddi-socodka wadahadalka uu gaaray waddo xiran. Waxaan marar badan ku celcelinay in Masar ay xaq u leedahay inay isdifaacdo oo ay ilaaliso danahaheeda biyaha hadii ay la kulanto hanjabaad kasta,” ayuu yiri Wasiir Cabdilcaati.

Masar ayaa muddo dheer cabasho ka muujinaysay saamaynta ay biyo-xireenka Itoobiya ku yeelan karto helitaanka biyaha Webiga Nile, oo ay dalkaasi aad ugu tiirsan tahay.
Warkan ayaa imanaya xilli xiisadda u dhaxaysa Qaahira iyo Addis Ababa ay mar kale soo cusboonaatay, iyadoo lagu eedeeyay Itoobiya in ay si keligeed ah u waddo buuxinta biyo-xireenka iyada oo aan la gaarin heshiis dhammaan dhinacyada ay ku qanacsan yihiin.