Masar Oo Lagu Eedeeyay In Ay Xasuuq u Geysatay Taageerayaasha Ururka Ikhwaanul-Muslimiin

0
294

Masar Oo Lagu Eedeeyay In Ay Xasuuq u Geysatay Taageerayaasha Ururka Ikhwaanul-Muslimiin

Hay’adda Xuquuqda Aadanaha ayaa ku dhaleeceysay mas’uuliyiinta dalka Masar ka gaabinta inay baaraan ama cidna ku dacweeyaan dilka boqolaal taageerayaasha ururka Ikhwaanul Muslimiin oo dhacday toban sano ka hore oo manta ku beegnayd.

Ilaa kun iyo shan boqol oo qof ayey ciidammada ammaanku toogasho ku dileen waxa loo yaqaan xasuuqii Raabica, xilli ay isku dayayeen in ay kala eryaan dibadbax ay isugu yimaaddeen taageerayaasha madaxweynihii talada laga tuuray, Maxamed Mursi.

Shan sano ka hor, baarlamaanka Masar ayaa meel mariyay sharci in la dacweeyo ka ilaalinaya saraakiishii ku lug lahaa dhacdadan.

Hay’adda Xuquuqda Aadanaha ayaa ku tilmaantay dil wadareedkii ugu xumaa ee mudaharaadayaal loo gaysto taariikhda casriga ah ee Masar.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here