Markabka Oruç Reis oo soo gabgabeeyay baaristii shidaalka ee xeebaha Soomaaliya
Markabka Oruç Reis oo laga leeyahay dalka Turkiga kaas oo baaris shidaal ka waday badda Soomaaliya tan iyo 25-kii Oktoobar 2024, ayaa si rasmi ah u dhammeystiray hawlgalkiisii socday muddo 234 maalmood ah.
Sida qorshaha yahay Markabka Oruç Reis ayaa la filayaa in uu ka baxo dekadda Muqdisho 15-ka Juun 2025, isagoo ku laabanaya Turkiga, waxaana lagu lagu wadaa Xogta ay heleen khubarada in ay gacan ka geysato horumarinta khayraadka badda iyo kobcinta dhaqaalaha Soomaaliya.
Intii uu hawlgalku socday, markabku wuxuu xog 3D seismic ah ka ururiyey saddex qaybood oo badda Soomaaliya ka tirsan, isagoo daboolay dhul badeed cabirkiisu dhan yahay 4,464 kiiloomitir laba jibbaaran.
Hawlgalkan ayaa ujeedkiisu ahaa in la helo xog cilmiyeed oo muhiim ah taasoo ku saabsan khayraadka dabiiciga ah ee badda Soomaaliya sida uu sheegay wasiirka Macdanta Turkey.