Markab Xamuul Ah Oo Lagu Qarxiyey Gacanka Cumaan Iyo Xog Laga Helay

0
339

Markab Xamuul Ah Oo Lagu Qarxiyey Gacanka Cumaan Iyo Xog Laga Helay

Markab Xamuul oo laga leeyahay Israel ayaa la sheegay inuu qarax ku qabsaday meel ku dhow Gacanka Cumaan. Markankaasi oo lagu magacaabo Helios Ray ayaa la sheegay inuu qaraxu qabsaday Khamiistii la soo dhaafay.

Hay’adda UK ugu qaabilsan Hawlgalladda Maraakiibta Ganacsiga (The United Kingdom Maritime Trade Operations (UKMTO) iyo Shirkad u qaabilsan Ammaanka Baddaha ayaa xogtaasi soo gudbiyey Jimcihii shalay.

Shaqaalihii iyo Markabka uu qaraxu qabsaday waxaa la sheegay inay bad-qabaan. Markabka MV Helios Ray waxa uu ku safrayey ama ka dul babanayey Calanka Jesiiradda Bahamas, waxaana Milkiyadda Markabka iska leh Shirkadda Helios Ray Ltd oo Israel laga leeyahay.

Markabka qaraxa la kulmay waxa uu ka shiraacday Dekedda magaalladda Dammaam ee dalka Sacuudiga, wuxuuna ku sii jeeday Deked ku taalla dalka Singapore.

Wasaaradda Gaadiiska Israel waxay sheegtay inaysan war u haynin shilka qabsaday Markabkaasi. Khabiir ka tirsan Sirdoonka Maraykanka ayaa sheegay in Markabka uusan ku qarxi Miinada Badda, balse laga yaabo inuu qaraxu ahaa mid ka yimid gunta hoose ee Badda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here