Mareykanka oo xayiraad dhaqaale ku soo rogay Bangiga dhexe ee Iiraan

0
526

Mareykanka oo xayiraad dhaqaale ku soo rogay Bangiga dhexe ee Iiraan

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa xayiraad ku soo rogay Bangiga dhexe ee Iiraan, xilli ay taagan tahay xiisada u dhaxeysa Washington iyo Tehran.

Trump ayaa faahfaahin dheeri ah ka bixin xayiraadan xilli uu warfidiyeenada kula hadlayay Jimcaha maanta aqalka cad ee looga arimiyo Mareykanka.

Wuxuu ku eedeeyay Iiraan in ay mas,uul ka aheyd dowlada Iiraan weerar todobaadkii hore lagu qaaday laba warshad oo ay leedahay shirkada shidaalka Aramco ee dalka Sacuudiga.

Xukuumada Iiraan ayaa dhankeeda waxba kama jiraan ku tilmaantay eeda la xiriirta weerarkan ee loo Jeediyay.

Mas,uuliyada weerarkan ayaa waxaa sheegtay dagaalyahanada Xuutitiinta Yemen, balse Trump ayaa sheegay in weerarkan gantaalaha iyo diyaaradaha loo adeegsaday ay u muuqato in ay leedahay Iiraan.

Sacuudiga oo ah dalka ugu wax soo saarka badan shidaalka ayaa weerarkii lagu qaaday waxay hoos u dhigtay boqolkiiba shan wax saarka shidaalka ay u iibgeyso Caalamka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here