Mareykanka oo Turkiga la galaya heshiis lagu badbaadinayo dagaalamayaasha Kurdiyiinta

0
596

Mareykanka oo Turkiga la galaya heshiis lagu badbaadinayo dagaalamayaasha Kurdiyiinta

Khilaafka Turkiga iyo Mareykanka ee ka dhashay isbaheysigii ka dhexeeyay Kurdishka iyo Mareykanka ayaa hareeyay socdaalka Pompeo ee Bariga Dhexe.

Balse waxa uu Pompeo u sheegay warfidiyeenada inuu arrintaan kala hadlay dhigiisa Turkiga uuna rumeysan yahay suuragalnimada heshiis laga gaaro.

Heshiiskaayaa ayaa waxaa kamid noqon doono mid u ogolaanaya Turkiga inuu dalkiisa ka difaaco halista arrgagixisada iyo sidoo kale difaaca Kuridiyiinta la dagaalamayay kooxda isugu yeerta dowladda Islaamka ee IS maadaama ay ka garab dagaalamayeen milatariga Mareykanka iyo qaar kale oo uu ku sheegay inaysan arrgagixiso ahayn.

Falanqayn: Bolton muxuu Bariga Dhexe ka doonay?

Turkiga ayaa rumeysan inuusan si waadax ah uga laabaneynin qorshayaashiisa uu ku doonayo inuu ku qaado howlgalo milatari oo ka dhan ah Kurdiyiinta.

Mr Pompeo ayaa dhab ahaantii doonaya in diirada la saaro dowladda Iran si looga soo horjeesto.

Waxa uu ku baaqayaa jabhad Carbeed oo mideysan oo ka hortimaada wax uu ku tilmaamay inay tahay xasilooni darro ay Iran ay ka wado gudaha dalalka Carabta, isaga oo xusay in Sacuudi Carbiyana ay howlgankan u dub dhexaad u tahay.

Balse carro ka dhalatay khaarijintii dhawaan Sacuudi Carabiya ay kula kacday weriye Jamaal Khaashuqji ayaa xumeeyay xiriirka Turkiga iyo Sucuudiga.

Sarkaal sare oo ka tirsan Mareykanka ayaa sheegay in dadka Mareykanku ka doonayaan Sucuudiga inuu sharaxaad lagu kalsoonaan karo ka bixiyo wixii dhacay uuna ciqaab ku sameeyo raggii geystay dilka Khaashuqji, Mr pompeona waxa uu ku adkeynayay Sucuudiga labadaasi qodob.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here