Mareykanka oo cunaqabateyn ku soo rogaya Dowladda Suudaan
Dowladda Mareykanka ayaa ku dhawaaqday inay cunaqabatayn kusoo rogayso Suudaan, kadib markii baaritaano ay sameeyeen lagu arkay in ciidamada milateriga dalkaas ay sannadkii hore adeegsadeen hub kiimiko ah xilli ay dagaal kula jireen ciidamada RSF.
Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka, Tammy Bruce, ayaa sheegtay in tallaabadan la qaaday kadib markii Xukumadda Suudaan ka dhago adeegtay in adeegsiga hubka Kiimikada ee wax gumaada.
“Mareykanka wuxuu ugu baaqayaa Dowladda Sudan inay joojiso gebi ahaanba adeegsiga hubka kiimikada, isla markaana ay ixtiraamto waajibaadka ka saaran heshiiska caalamiga ah ee adeegsiga Hubka Sharci darrada” ayay tiri Bruce.

Inkasta oo faahfaahin buuxda laga bixin isticmaalka hubkan, haddana ilo diblomaasiyadeed oo ka tirsan Mareykanka ayaa sheegaya in kiimikada la adeegsaday ay sababtay waxyeello naf iyo caafimaad, taasoo si gaar ah u saameysay shacabka rayidka ah ee ku nool gobollada ay dagaalladu ka socdaan.
Tillaabadani ayaa imaneysa xilli dalka Sudan ay weli ka jirto xaalad colaadeed, ayna wada dagaalamayaan ciidamada Militeriga iyo kuwa mucaaradka ee RSF.