Maraykanka Oo Ansixiyay Talaalka Cudurka Covid 19 Oo Mudo Lagu Hawlanaa

0
455

Maraykanka Oo Ansixiyay Talaalka Cudurka Covid 19 Oo Mudo Lagu Hawlanaa

Saraakiisha Caafimaadka Dowladda Mareykanka ayaa ansixiyay adeegsiga tallaalka looga hortagayo cudurka COVID-19, tallaabadaan oo waddada u xaareysa in tallaalka qaadashadiisa ay shacabka Mareykanka bilaabaan todobaadkaan.

Hey’adda Cuntada iyo Dawooyinka Mareykanka ee loo soo gaabiyo FDA ayaa xalay ku dhawaaqday, in tallaalka ay si xaalad deg deg ah u ogolaatay in loo isticmaalo, waxaana hadda bilaabmaya daabulista dawada tallaalkan oo ay sameyntiisa iska kaashadeen shirkadaha dawada farsameeya ee kala ah Pfizer oo Mareykan ah iyo shirkadda BioTech oo laga leeyahayJarmalka.

Tallaalka ayaa kusoo beegmaya xilli ay aad u sii kordhayaan kiisaska dadka Mareykanka ugu dhimanayo cudurka Covid-19. Cel celis ahaan hadda waxaa maalintiiba Mareykanka ugu dhinta xanuunkan 3,000 oo ruux.

Dhanka kale, warbaahinta Mareykanka ayaa ku warramay in madaxa shaqaalaha Aqalka Cad, Mark Meadows uu Jimcihi shalay ku cadaadiyay madaxa heyadda FDA Stephen Hahn inuu si deg deg ah u ansixiyo adeegsiga tallaalka Pfizer, haddii kalana uu shaqadiisa weyn doono.

Hase yeeshee war qoraal ah oo uu shalay soo saaray Hahn ayuu ku beeniyay in madaxa shaqaalaha Aqaka Cad uu ugu hanjabay in uu xilkiisa weynayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here