Madaxweyneyaasha Turkiga iyo Mareykanka oo ka wada hadlay nabadda Caalamka
Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump iyo kan Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa ku kulmay magaalada Hague ee dalka Netherlands.
Labada Madaxwayne ayaa kulankooda diiradda ku saaray arrimaha gobolka Bariga Dhexe iyo kuwa Caalamiga ah.
Madaxweyne Erdogan ayaa soo dhoweeyay xabad-joojinta u dhexeysa Israa’iil iyo Iiraan, taasi oo uu ku sheegay in ay ku suurta gashay dadaallada Madaxweyne Trump.
Erdogan ayaa ku baaqay in la helo nabad waarta, lana joojiyo xasuuqa ka socda Qaza, iyo in la furo wada-hadal ku saabsan dagaalka Ruushka iyo Yukrayn.
Madaxwayne Trump ayaa hore ugu amaanay Erdogan in uu yahay hoggaamiye karti iyo aragti dheer leh oo wadankiisa ku hoggaamiyay guulo farabadan.