Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Si Adag Uga Hadlay Dagaalka Dowladiisu Shabaab Kula Jirto.
Waxaa muuqata in ay sii xoogeysanayaan dagaallada iyo howlgallada ka dhanka ah Al-shabaab ee dowladda federaalka Soomaaliya, oo kaashaneysa dadka deegaanka ay kula jirto Al-shabaab.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo horey u ugu dhawaaqay dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab, ayaa saacado kohor qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook, ku sheegay in ficillada Shabaab ay yihiin kuwo aan la aqbali karin.
“Dib u noqosho ma jirto: Waa inaynu soo afjarnaa halista kooxda Al-Shabaab,”. Ayuu ku yiri qoraalkiisa.
Wuxuu intaa ku daray madaxweyne Xasan Sheekh : “Soomaaliya waxay dagaal kula jirtaa koox argagixiso caalami ah oo arxan daran, akhlaaq daran oo aynaan aqbali karin inay dalkeena iyo dadkeena ku dhex noolaadaan kagana dhex shaqeeyaan afkaarahooda guracan,”.
Dhanka kale magaalada DhuusaMareeb ee xaruunta maamulka Galmudug, waxaa ka socda dhaqdhaqaayo dagaal oo ka dhan ah Al-shabaab.
Waxaa halkaas gaaray mas’uuliyiin kala duwan oo uu ka mid yahay raysal wasaarihii hore ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, oo ka qayb galaya shir amniga deegaannadaas looga hadlayo oo bari furmaya.
Madaxweyne ku xigeenka maamulka Galmudug Cali Daahir Ciid, ayaa BBC-da u sheegay in waxa kaliya ee hadda u furan reer Galmudug ay tahay in Shabaab ay la dagaallamaan.
“Shabaab waa inay naga adkaadaan ama aan ka adkaanaa, waddo kale oo haba-yaraatee umadda Soomaaliyeed u furan malahan,” ayuu yiri Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Cali Daahir.
Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre, oo ka qayb galaya shirka Tana Forum oo looga hadlayo amniga kana dhacaya dalka Itoobiya, ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya iyo shacabkeedaba, ay go’aansadeen sidii dalka looga saari lahaa Al-shabaab.
Labo xeelad oo cusub
Tan iyo markii uu Xasan Sheekh Maxamuud ku guuleystay xilka madaxweynenimada Soomaaliya, oo uu markii labaad qabtay, waxa uu ku celcelinayay in shaqada ugu horreysa ee dowladdiisa ay qabaneyso ay tahay baabi’inta Al-Shabaab.
Waxa uu Xasan Sheekh, shaaca ka qaaday labo xeelad oo cusub oo ay hadda kusoo kordhinayaan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.”Hadda, 15 sano kaddib waxaan u xusul duubeynaa in la baddalo qorshaha oo aan adeegsanno istiraatiijiyad cusub. Wax walba oo waxtar lahaa ayaan ka qaadaneynaa labadii xeeladood oo hore,” ayuu yiri.
Khudbadd uu dhawaan ka jeediyay shirka Xarunta Cilmi Baarista Caalamiga ah iyo Istiraatiijiyadda ayuu mar kale si qota dheer uga hadlay qorsheyaashiisa ku aaddan arrintaas.
Waxa uu isweydiiyay sababta ay Al-Shabaab weli u jiraan iyadoo 15 sano lala galay dagaal ay ku baxday lacag balaayiin doolar ah.
Waxa uu sheegay in horay dagaalkan loogu adeegsaday labo xeeladood balse ay shaqeyn waayeen.”Xeeladda xakameynta oo ah in Al-Shabaab lagu ekeeyo gudaha Soomaaliya, si aysan ugu fidin dalalka deriska ah iyo dalalka dibadda ayaa ka mid ahayd xeeladihii la adeegsanayay 15-kii sano ee lasoo dhaafay,” ayuu yiri Xasan Sheekh Maxamuud.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa qiray in xeeladdaas ay guul darreysatay, maadaama sida uu sheegay Al-Shabaab “ay ku shaqeeyaan fikrad” weerarrada ay dalalka jaarka la ah Soomaaliya ka fuliyeenna ay caddeyn u yihiin in xeeladda xakameynta aysan suurtagal ahayn.
Waxaa jirtay xeelad labaad oo ku xigtay taas, sida uu sharraxayo madaxweynaha: “Xeeladda wiiqista Al-Shabaab. In hoos loo dhigo militeri ahaan iyo awood ahaan.”Xeeladdan ayaa aad uga wanaagsaneyd tii hore.
Balse iyada lafteeda Shabaab waxay lasoo baxeen farsamo dib usoo kabasho ah. Maanta haddii aad burburiso xero tababar muddo dhowr isbuuc ah gudahood xeradaas dib ayay u shaqeyneysaa.
Haddii aad disho hoggaamiye waxaa baddalaya mid kale oo kasii xagjirsan.”Labadaas istiraatiijiyad ayuu sheegay in aysan hirgelineynin ujeeddada ugu weyn ee ah in laga adkaado kooxdan.