Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaadhay magaalada Qaahira ee dalka Masar

0
26

Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaadhay magaalada Qaahira ee dalka Masar

Madaxweynaha dowladda Federaalka ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Qaahira ee caasimadda dalka Masar.

 

Inta uu booqashada ku guda jiro, waxaa lagu wadaa in uu la kulmo Madaxweyne Cabdel Fattah Al-Sisi oo ay ka wadahadlaan ballaarinta iskaashiga dhinacyada ammaanka, horumarinta dhaqaalaha, waxbarashada, iyo xasilloonida gobolka.