Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo u safray Aljeeriya

0
14

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo u safray Aljeeriya

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u safray Dalka Aljeeriya si uu ula kulmo dhiggiisa Abdelmadjid Tebboune oo casumaad rasmi ah uu ka helay sida wararku sheegayaan.

 

Madaxtooyada Soomaaliya weli faahfaahin kama bixin waxyaabaha uu daaran tahay safarka Madaxweynaha Dowladda Federaalka iyo waxa ay kawada hadlayaan dhiggiisa Aljeeriya Abdelmadjid Tebboune.

 

Wasiirrada Arrimaha Dibadda Soomaaliya iyo Aljeeriya oo horay u wada kulmay ayaa kawada hadlay xoojinta Iskaashiga dhinaca Difaaca, Waxbarashada, Dhaqaalaha iyo adkaynta cilaaqaadka labadaan Dal xubnaha kawada ah Jaamacadda Carabta.