Madaxweyne Xasan Sheekh & Axmed Madoobe oo natiijo la’aan kala tagay!

0
32

Madaxweyne Xasan Sheekh & Axmed Madoobe oo natiijo la’aan kala tagay!

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud & Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe ayaa ku kala tagay wadahadalkii labadaan mas’uul uga socday Magaalada Kismaayo.

Wadahadalkaan oo ay goobjoog ka ahaayeen Madaxda Sirdoonka Dalalka Kenya iyo Itoobiya ayaa la isku fahmi waayay labo dalal oo iska hor imaanaya oo dhinaca Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Axmed Madoobe ay is hor dhigeen.

Ka gudubka caqabadahaan dartood waxaa ka dhacay ilaa saddex kulan oo ugu dambayn la dhaafi waayay ama laga gudbi waayay shuruudaha oo dhinac weliba ku adkaatay in uu aqbalo taasina ay keentay in gogosha lagu kala kaco.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Axmed Madoobe hordhigay in uu ka tanaasulo Doorashadii ka dhacday Kismaayo ee Dowladda Federaalka diiday isla markaana uu dib ugu soo laabto Madasha Wadatahiga si shirarkii u socday uu qayb uga noqdo.

Axmed Madoobe ayaa ganafka ku dhuftay arrintaas, waxa uu sheegay in aanay dib ugu laaban Karin madasha ilaa inta laga xalinayo tabashada uu ka qabo hab maamulka Doorashada Doorashada iyo culayska Dowladdu saartay maamulkiisa.

Markii xal loo waayay labadaas qodob, waxa uu Madaxweyne Xasan Sheekh go’aansaday in uu dib ugu laabto Magaalada Muqdisho, wararka ayaa sheegaya in Axmed iyo Xasan ay markale isku dayayaan wadahadal kale oo aan la shaacin meesha uu ka dhacayo & waqtiga la qabanayo.