Madaxweyne William Ruto oo digniin culus u diray Mucaaradka dibadbaxyada kawada Kenya.

0
252

Madaxweynaha Kenya William Ruto ayaa digniin culus u diray mucaaradka kasoo horjeeda Xukuumadda uu hoggaaminayo ee uu ugu cadcad yahay hoggaamiye Raila Odinga oo iclaamiyay in Arbaco weliba ay sameynayaan dibadbaxyo.

Madaxweyne Ruto ayaa afka ka qabsan waayay dhibaatooyinka kala duwan oo dhanka dhaqaalaha ugu weyn yahay ee Kenya ka dhaxashay dibadbaxyada mucaaradka ee uu ku tilmaamay in uu yahay mid sharci darro ah.

Waxa uu hay’adaha amniga faray in ay gacan adag ku qabtaan cid weliba oo isku dayda in ay ka tallaabsato dastuurka isaga oo intaas ku daray in Kenya ay ka go’an tahay ilaalinta nidaamka ay ku heshiiyeen oo aanay baddeli Karin dad dano gaar ah eeganaya.

Si cad ayuu u sheegay in aanay markale Kenya ka dhici doonin dibadbaxyada mucaaradka oo ah kuwo aan sal ku lahayn dastuurka oo abuuraya qulqulatooyin amni darro, hoos u dhac dhaqaale iyo in dalkaas ay ka weecdaan dalxiisayaasha.

“Doorashadii waxay dhammaatay 9-kii Agoosto ee sannadkii hore, ma raadin kartaan hoggaanka dalkan adigoo isticmaalaya dhiigga muwaadiniinta, dhimashada muwaadiniinta iyo burburinta hantida, Banaabaxyadan ma dhici doonaan” sidaasi waxaa yiri Madaxweynaha Jamhuuriyadda Kenya William Ruto.

Hoggaamiyaha mucaaradka Kenya Raila Odinga ayaa ku dooday in uu sii wadayo dibadbaxyada ay dhigayaan taageerayaashiisa, Xukuumadda William Ruto ayuu ku eedeeyay in ay afka qabaneyso iyada oo ka tallaabsaneysa Dastuurka waa sida uu hadalka u dhigay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here