Madaxweyne Trump Oo Suudaan Ka Saaray Liiska Dalalka Argagixisada

0
319

Madaxweyne Trump Oo Suudaan Ka Saaray Liiska Dalalka Argagixisada

Suudaan ayaa dib usoo celineysaa xiriirkii ay laheyd Israa’iil, sida uu shaaciyay Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump.

Trump wuxuu Suudaan ka saaray liiska dalalka maalgeliyo argagixisada si cunaqabateynta dhaqaale looga qaado.

Madaxweyne Trump wuxuu sidoo kale sheegay in ugu yaraan shan dal oo kale oo carbeed ay doonayaan in heshiis nabadeed ay la galaan Israa’iil.

Waxay arrintani imaaneysaa kaddib markii Imaaraatka Carabta iyo Baxreyn ay heshiis nabadeed la galeen Israa’iil. Labadaas dal ayaa noqonayaa dalalkii ugu horreeyay Bariga Dhexe ee aqoonsado Israa’iil muddo 26 sano gudahood.

Urddun waxay heshiis nabadeed la gashay Israa’iil sanadkii 1994-tii halka Masar ay heshiis la saxiixatay Israa’iil sanadkii 1979-kii.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here