
Madaxweyne Trump oo shaaciyay in Elon Musk ka baxay khadka tareenka
Waxaa sii xoogeesanaya khilaafka u dhaxeeya Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump iyo saaxiibkiisa xilligii adkaa ee doorashada soo gacan qabtay Elom Musk.
Donald Trump ayaa mar kale weerar afka ah ku qaaday saaxiibkiisii hore Elon Musk, maalin kadib markii maalqabeenka dhanka tignoolajiyada uu ku dhawaaqay inuu xisbi cusub ka dhisayo dalka Mareykanka.
Qoraal uu soo dhigay baraha bulshada Madaxweyne Trump ayuu ku sheegay in Elon Musk uu ka baxay khadkii tareenka, waxa uuna xusay in uu burburay tareenkii uu saarnaa uuna hadda meel cidlo kusoo dhacay.
Madaxweyne Trump iyo Elom musk oo saaxiibo dhaw ahaa ayaa dhawaan si foolxun ku kala tagay, waxa ayna labada nin is dhaafsadeen hadallo adag, taa oo ugu dambeyn keentay in Musk