Madaxweyne Muuse Biixi Oo Bari Khudbad Sanadeedkii Distooriga Aheyd U Jeedin Doona Baarlamaanka Somaliland
Hargeysa (Dalmar-News):- Maalinta bari ah waxaa la filayaa in madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi uu khudbad sanadeedkii Distooriga aheyd u jeedin doono labada Gole baarlamaan ee Guurtida iyo Wakiilada oo fadhi wada jir ah yeelan doona
Shacabka Somaliland iyo xildhibaadana uu khudbada u jeedin doono ayaa u dheg taagaya arimaha uu madaxweyne Biixi khudbadiisa kaga hadlayo iyada oo la filaayo inuu ku soo hadal qaado xaalka doorashooyinka dalka ka dhaci lahaa oo wali khilaaf ka taagan yahay