Madaxweyne Farmaajo oo saacadaha soo socda ku wajahan magaalada Garowe

0
599

Madaxweyne Farmaajo oo saacadaha soo socda ku wajahan magaalada Garowe

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa saacadaha soo socda ku wajahan magaalada Garowe, halkaasoo uga qeyb galayo Munaasabadda Caleema saarka Madaxweynaha cusub ee Puntland Saciid C/llaahi Deni.

Qaban qaabo xooggan oo lagu soo dhoweynayo wafdiga Madaxweyne Farmaajo ayaa ka socota garoonka diyaaradaha, iyadoo ammaanka si aad ah loo adkeeyay.

Madaxweynaha ayaa waxaa magaalada Garowe uga horeeyay Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan Labada Gole, sidoo kale maalmo ka hor waxaa gaaray Garowe Ciidamo Ilaalo u ah iyo Kooxda qaabilsan Baratakoolka.

Magaalada Garowe ayaa la ciir ciireysa Madax hore, siyaasiyiin iyo marti sharaf kale oo maalmihii la soo dhaafay ku qulqulayay, si ay uga qeyb galaan Munaasabadda Caleema saarka Madaxweynaha cusub ee Puntland.

Shalay ayaa waxaa gaaray Garowe Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, sidoo kale waxaa magaalada tagay Madaxda Maamul goboleedyada iyo Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir C/raxmaan C/shakuur

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here