Madaxweyne Farmaajo oo galabta dalka dib ugu soo laabtay.

0
846

Madaxweyne Farmaajo oo galabta dalka dib ugu soo laabtay.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdigii uu hoggaaminayey ee Booqashada shaqo ku joogay magaaladda Dooxa ee dalka Qatar ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay.

Madaxweyne Farmaajo ayaa intii uu ku sugnaa dalka Qatar waxa uu kulan la qaatay Amiirka dalkaasi Sheikh Tamim bin Hamad Al Thani, waxaana ay kawada hadleen xoojinta xiriirka Soomaaliya iyo Qatar iyo danaha ay wadaagaan, si loo helo iskaashi wax ku ool ah oo labada dhinacba faa’ido u leh.

Kulanka Madaxweyne Farmaajo iyo Amiirka Qatar, ayaa waxyaabaha ka soo baxay waxaa ka mid ah in dowladda Qatar ay miisaaniyadda Soomaaliya ee sanadkan 2019 ku taageerto 73 Milyan oo Riyaal oo u dhiganta 20 Milyan oo Doollar.

Dowlada Qadar ayaa sidoo kale maalgelineysa dhismaha wadooyinkan isku xira magaalooyinka Muqdisho, Afgooye iyo Jowhar oo ka kala tirsan Gobolada Banaadir iyo Labada Shabeelle, iyadoo Ra’iisul Wasaare Kheyre uu dhagax dhigay mashrucaas 18-kii bishan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here