Madaxweyne Erdogan oo ka hadlay sare u kaca laga dareemayo maciishada Turkiga

0
595

Madaxweyne Erdogan oo ka hadlay sare u kaca laga dareemayo maciishada Turkiga

Dalka Turkiga ayaa waxaa laga dareemayaa hoos u dhac ku yimid qiimaha lagu iibiyo raashinka qudaarta iyo cabitaanada kala duwan ee sharaabka oo ay isticmaalaan shacabka ku dhaqan dalkaas.

Hoos u dhacaan ayaa imaanaya iyadoo todobaadkan ay saraakiisha dowlada ay ku eedeeyeen in dhibaatada qiima kororka agabkaan ay tahay waxa ay ugu yeereen Argagixisada Raashinka.

Madaxweyne Rajab Thayib Erdogan oo isniintii shalay ka hadlay ololaha xisbigiisa uu ku doonayo in uu ku difaacdo doorashada baarlamaaniga ah ee dhaceysa 31-da bisha Maarso ee sanadkaan ayaa sheegay in weerar lagu soo qaaday uu yahay qiimo kororka ku yimid qeybaha kala duwan.

Hogaamiyaha xisbiga cadaalada iyo hormarka ayaa iska diiday dhaleeceynta kaga timid siyaasiyiinta mucaaradka oo ah in dowlada ay ka danbeyso.

Mashruuca ay daahfurtay dowlada oo ah qiimo dhimista boqolkiiba 50 ka ah ayaa imaameysa iyadoo warbixin bishii hore ee Janaayo la soo saaray lagu sheegay in sanad ba sanadka ka danbeeya uu sare u sii kacayo qiimaha lagu iibsado raashinka gaar ahaan magaalooyinka Istanbul iyo Ankara.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here