Madaxweyne Erdogan oo codkiisa ka dhiibtay doorashada Maayarka Istanbul

0
449

Madaxweyne Erdogan oo codkiisa ka dhiibtay doorashada Maayarka Istanbul

Madaxweynaha dalka Turkiga Rajab Dayib Erdogan oo ay wehliso Xaaskiisa waxa uu maanta codkiisa ka dhiibtay Doorashadda Ku-celiska ee Duqa magaalada Labaad ee ugu weyn dalkaasi ee Istanbul.

Doorashadaasi oo maanta bilaabantay waxaa la filayaa inay in ka badan 10.5 million oo qof codkooda ka dhiibtaan Doorashadaasi ku-celiska ah.

Madaxweyne Erdogan waxa uu tilmaamay inay dadka Reer Istanbul samayn doonaan Doorashadda ugu wanaagsan ee magaaladooda.

Doorashadaasi waxay bilaabantay 8-dii aroornimo ee saakayto xilliga Turkiga, iyadoo 31,242 sanaadiiqda Cod-bixinta la dhigay 39 Degmo ee Istanbul.
Mr Imamoglu, waa 49 jir ah, ka tirsan xisbiga calmaaniga ah ee Republican People’s Party ahna maayarka degmo ka tirsan Istanbul oo lagu magacaabo Beylikduzu.

Ninka la tartamaya ee Mr Yildirim ayaa ka mid ah aas aaseyaashii xisbiga Mr Erdogan ee AKP, waxa uuna dalkaas horay uga soo noqday Ra’iisal wasaare intii u dexaysay 2016-kii iyo 2018-kii.

Bishii Feberaayo ayaa loo doortay afhayeenka baarlamaanka cusub, wixii intaas ka horeeyeyna waxa uu soo noqday wasiirka gaadiidka iyo isgaarsiinta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here