Madaxweyne Deni Oo Weli Kulamo Siyaasadeed Ka Wada Muqdisho

0
387

Madaxweyne Deni Oo Weli Kulamo Siyaasadeed Ka Wada Muqdisho

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo ku sugan Magaalada Muqdisho ayaa wada kulamo kala duwan oo siyaasadeed, kuwaasi oo la qaadanayo Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka, siyaasiyiin iyo xubno kale.

Saacadihii lasoo dhaafay Madaxweynaha Puntland ayaa hoyga uu ka deganyahay Muqdisho ku qaabilay Xildhibaano ka tirsan Dowladda, Guddoomiyaha Ururada Bulshada Rayidka ah ee Soomaaliyeed Cismaan Muxiyadiin Macalim Shaatax.

Sidoo kale Saciid Deni ayaa xalay kulan gaar ah la qaatay Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Mowliid Xuseen Guhaad, Ra’iisul Wasaare ku-xigeenkii hore xildhibaan Cabdiwahaab Ugaas Xuseen, Wasiiru dowlaha Boostada iyo Isgaarsiinta Xildhibaan Cabdullaahi Bile Nuur iyo marti sharaf kale.

Kulamada siyaasadeed ee Madaxweynaha Puntland ka wado Muqdisho ayaa dhammaantood waxaa ay yihiin kuwo ku aadan xaaladda dalka, Arrimaha Doorashada 2020/2021, iyo marxalada kala guurka ee dalka.

Ujeedka ugu weyn ee Saciid Deni u yimid Caasimadda dalka ayaa waxaa ay tahay sidii isaga, Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe iyo Madaxweyne Farmaajo u yeelan lahaayeen shir saddex geesood ah, isla markaana heshiis looga gaarayo Arrinta Doorashada iyo Khilaafyada jira, iyadoona dhinacyada uu dhexmaray kulan kordhac ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here