Madaxweyne Cirro, ayaa amar ku bixiyay in la siidaayo Wiil da’yar oo ku jiray Maxaabiista
Madaxweyne Cirro, ayaa amar ku bixiyay in la siidaayo Wiil da’yar oo ku jiray Maxaabiistii ugu dambeeyay ee ciidamamada Somaliland ku soo qabteen dagaalkii ka dhacay dhowaan gobolka Sanaag.
Maxbuuskan ayaa lagu wareejiyay eheladiisa sida Ilo-wargaleen ah u xaqiijiyeen Gallaydh TV .
Madaxweyne Cirro, ayaa dhawr goor sheegay in ay ka go’an tahay in nabad lagu dhammeeyo arrinta Sanaag.
Wiilkan ayaa lagu magacaabaa Cabdiraxmaan Caynaanshe Cali.