Madaxweyne afgembi ku yimid oo beddelaya aragtida Afrika laga qabo
Marka dib loo milicsado taariikhda Afrika, afgambiyada militari waxaa inta badan loo arki jirey wax sharcidarro ah, halis ah, islamarkaana loo maray waddo aan sharciga waafaqsaneyn. Awoodda lagu maroorsado qori caaraddiisna waxaa lagu lifaaqi jirey dhiig daata, burbur hantiyeed, afduub xaquuqda aadanaha ah iyo dhibaato soo wajahda muwaadiniinta caadiga ah.
Laakiin soo bixitaankii Dhamme Ibrahim Traore ee uu kula wareegay Burkina Faso ayaa waxay hurisay dood cusub oo ku qotrtonta xalaalnimada, ahmiyadda, iyo aayaha dambe ee afgambiyaa militari, gaar ahaan marka ay jawaab u yihiin caburin, musuqmaasuq, iyo xukun kelitalisnimo oo ku gambanaya dalladda “dimuqraadiyadda”.
Si ka duwan siyaasiyiinta ku xidideystay hannaanka dimuqraadiyadda, balse gondaha la galay takrifal awoodeed, askar ay ka mid yihiin Traore ayaa ku soo baxay ‘hoggaamiyeyaal isbeddel’ ku waas oo sheegta wadaniyad, hawlkarnimo iyo damqasho ku aadden dadweynahooda. Taasina waxay keentay weydiin ah: Hoggaamiyahan da’da yar ee Traore ma wuxuu beddelay aragtidii laga haystay kacaanka gebi ahaanteed.