Madaxweynaha Suuriya oo markii u horreysay booqanaya dalka Imaaradka Carabta
Madaxweynaha Suuriya, Axmed al-Sharaa, ayaa markii ugu horreysay booqan doona Isutagga Imaaraadka Carabta (UAE), sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Suuriya.
Booqashadan ayaa qayb ka ah dadaallada Madaxweyne Sharaa uu ku kasbanayo taageero caalami ah oo uu u raadinayo maamulka cusub ee uu hoggaamiyo.
Sharaa ayaa sidoo kale qorsheynaya safar uu toddobaadka dambe ku tagayo Turkiga, kaasi oo noqon doona booqashadiisii labaad ee dalkaas tan iyo bishii Febraayo.
Isutagga Imaaraadka Carabta wuxuu noqonayaa waddankii labaad ee Khaliijka ka tirsan ee uu booqdo, kadib safarkiisii hore ee uu ku tagay Boqortooyada Sacuudi Carabiya.
Safarradan ayaa loo arkaa kuwo siyaasadeed oo muhiim u ah dadaallada diblomaasiyadeed ee maamulka cusub ee Suuriya, xilli dalkaasi isku dayayo inuu dib u soo celiyo xiriiradii uu la lahaa dalalka Caalamka.