Madaxweynaha Somaliland Oo Ka Hadlay Dilkii Jeneraal Maxamed Nuur Galaal
Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa Maanta ka hadlay geeridii Jeneraal Maxamed Nuur Galaal oo maalin kahor lagu dilay weerarkii Al-shabaab ay ku qaadeen Hotelka Afrik ee Magaalada Muqdisho.
Madaxweyne Muuse Biixi ayaa ka tacsiyeeyay geerida Jeneraal oo kamid ahaa Saraakiishii hore ee Ciidanka dowladda iyo dadkii kale ku dhintay weerarkii hotelka, isagoo sheegay inay ka xun yihiin dhibaatada dhacday.
“Jeneraal Galaal oo aan anigu shakhsiyan aad iyo aad u aqaanay oo oday Soomaaliyeed ahaa oo garanaya qadiyada Somaliland waxay ku fadhido xog-ogaalna u ahaa, aad iyo aad ayaan ugu tacsiyadaynayaa qoyskiisii, dadkiisii iyo intii kale ee taqaanayba,” ayuu yiri Muuse Biixi oo khudbad ka jeediyay Munaasabad lagu xusaayey 27 sano guuradii ka soo wareegatay markii la aas-aasay Ciidanka Milateriga Somaliland.
Isaga oo sii hadlaayay Muuse Biixi Cabdi ayuu Marxuum Jeneraal Maxamed Galaal ku timaamay inuu ahaa Oday Somaaliyeed oo ka mid ahaa dadka ugu aqoonta badan arrimaha ciidanka, sidoo kalena kamid ahaa dadka sida weyn wax uga yaqaanay qadiyada Somaliland.
Ugu dambeyn Madaxweynaha ayaa sheegay in wax laga xumaado ay tahay dadka lagu leynayo Muqdisho, wuxuuna Carabka ku dhuftay inay wax la qaban la haayeen Dowladda Somalia haddii ay aqbali lahaayeen in Somaliland masiirkeeda ay u madax banaan tahay.