Madaxweynaha Somaliland “Abaarta gobolka Awdal dad iyo xoolo ayaa ku dhintay”
Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Cirro ayaa ka hadlay abaarta daran ee ka taagan deegaannada gobolka Awdal, taasi oo saameysay dadka iyo duunyada.
Mr Ciro kulan gaar ah la yeeshay ganacsatada ayaa sheegay in loo baahan yahay gargaar deg deg ah oo lala soo gaaro dadka abaarta saameysay.
Sidoo kale, Madaxweyne Cirro ayaa u mahad celiyay dowladda shacabka Jabbuuti oo gargaarkii u horreeyay dhawaan soo gaarsiiyay.
“Abaarta gobolka Awdal dad iyo xoolo ayaa ku dhintay, waxaan u mahadcelineyna Madaxweynaha Jabbuuti oo deeqdii u horreysay ina soo gaarsiiyay” ayuu yiri Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Cirro.
Ugu dambeyn wuxuu ku baaqay in dadka wax heysta ay kaalmeeyaan walaalahooda, si dhibaatada looga baxo.
Mustaqbal