Madaxweynaha Shiinaha oo doonaya inuu Soomaaliya kusoo daro mashruuca BRI

0
451

Madaxweynaha Shiinaha oo doonaya inuu Soomaaliya kusoo daro mashruuca BRI

Madaxweynaha Shiinaha Xi Jinpiing ayaa Isniintii sheegay inuu diyaar u yahay inuu madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo kala shaqeyeo xoojinta wada-shaqeynta labada dal.

Xi Jinping ayaa hadalkan sheegay ayada oo labada madaxweyne ay is-dhaafsadeen farriimo isu hambalyeyn ah oo lagu maamusayo sanad-guuradii 60-aad ee ksoo wareegtay markii labada dal ay sameysteen xiriir diblomaasiyadeed.

Madaxweyne Xi ayaa sheegay inuu doonayo inuu Soomaaliya kala shaqeeyo sidii ay qeyb uga noqon lahayd barnaamijka dhaqaale ee Belt and Road Initiative (BRI) ee isku xiraya Shiinaha iyo 70 dal oo kale, si ay uga faa’iideystaan labada dal.

Hadalka Xi ayaa imanaya ayada oo labada dal ay dhowaanahan isu muujiyeen garab istaag kadib markii laba gobol oo ka kala tirsan oo kala ah Taiwan (China), iyo Somaliland (Somalia) ay sameysteen wax ay ugu yeereen xiriir diblomaasiyadeed.

Soomaaliya iyo Shiinaha ayaa labaduba markaas kadib soo saaray qoraallo xooggan oo midba mid kale uu ku xaqiijinayo sida uu ilaalinayo madax-banaanida iyo qaranimada midka kale, waxayna cambaareeyeen tallaabooyinka Somaliland iyo Taiwan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here