Madaxweynaha Puntland Oo Qaadacay Shirkii DFS Iyo M/Goboleedyada

0
381

Madaxweynaha Puntland Oo Qaadacay Shirkii DFS Iyo M/Goboleedyada

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa xalay ka hadlay Go’aankii laba maalin kahor kasoo baxay Baarlamaanka Puntland, kadib markii uu Khudbad ka jeediyay Munaasabad lagu xusayay Sanad guurada 60-aad ee kasoo wareegtay markii ay Xornimada qaateen Gobolada Koonfureed iyo midowgii Waqooyiga iyo Koonfurta Dalkeena ee 1-da Luulyo.

Madaxweyne Deni ayaa waxaa uu sheegay inuu soo dhaweynayo Go’aankii Baarlamaanka Puntland ay ku qaadaceen Metelaadda Gobolka Banaadir ee Aqalka Sare iyo Shirkii uu ku baaqay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Baarlamaanka Puntland ayaa Madaxweyne Deni ugu baaqay in uusan ka qeyb gelin Shirka Madaxda Dowladda Federaalka iyo Maamul Goboleedyada, wuxuuna Deni sheegay inuu taageeray Go’aanka Baarlamaanka Maamulkiisa.

“Waxaan soo dhoweynayaa kuna shaqeynayaa go’aankii iyo taladii Baarlamanka anigoo tixgelinaya hay’adaha Sharciga ah ee Puntland”. ayuu yiri Madaxweyne Saciid Deni.

Isaga oo sii hadlaayay Madaxweynaha Puntland ayuu Beesha Caalamka ugu baaqay inay ka shaqeeyaan sidii lagu badbaadin lahaa geedi socodka Ummada Soomaaliya, wuxuuna ka dalbaday in aysan ku kalsoonin Tallaabooyinka ay qaadanayaan Madaxda DFS.

Si kastaba 5-ta Bishaan ayaa waxaa lagu wadaa in Magaalada Muqdisho uu ka furmo Shirka amniga Qaranka ee uu Madaxweyne Farmaajo ku Casuumay Madaxda dowlad Goboleedyada dalka iyo Maamulka Gobolka Banaaadir, hayeshee Puntland ayaa qaadacday Shirkaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here