Madaxweynaha Kenya Oo Sharci Jebiyay Iyo Dhalleeceyn Loo Jeediyay
Madaxweynaha dalka Kenya Uhurru Kenyatta ayaa lagu dhalleeceeyay jabinta sharciga bandowga ee u yaala dalkiisa kadib markii uu daah furay mashruucyo sacaadaha bandowga.
Madaxweyne Kenyatta ayaa daah furay shan isbitaal habeenkii talaadada wuxuuna sharxay inay lagama maarmaan tahay in la sameeyo habeenkii si loo hubiyo adeeggayada.
Wuxuu sheegay in isbitaalada caasimada Nairobi loogu tala galay inay shaqeeyaan 24 saacadood isla markaana uu u baahan yahay inuu la socdo arintaasi.
“Sidaad adinkaba u aragteen, waxay noqon laheyd wax aan macquul aheyn inaad tagto oo aad sameyso waxa aan maanta sameynay, maalintii maxaa yeelay tirada dadka halkaas joogi lahaa,” ayuu ku yiri warbaahinta.