Madaxweynaha Kenya oo China kala saxiixday heshiis ku kacaya $1 bilyan

0
23

Madaxweynaha Kenya oo China kala saxiixday heshiis ku kacaya $1 bilyan

Madaxweynaha Kenya, William Ruto, oo booqasho rasmi ah oo shan maalmood qaadatay ku joogay dalka shiinaha, ayaa saxiixay heshiis ku kacaya $1 bilyan, kaas oo ujeeddadiisu ay tahay in la xoojiyo iskaashiga istiraatiijiyadeed ee u dhexeeya Nairobi iyo Beijing.

Heshiiskan, oo lagu dhawaaqay Arbacadii, ayaa waxa uu diiradda saarayaa dardargelinta mashaariicda horumarineed ee muhiimka ah kuwaas oo hoos yimaada Barnaamijka Isbeddelka Dhaqaale ee Kenya ee “Bottom-Up Economic Transformation Agenda (BETA)”, waxaana ka mid ah maalgelin ballaaran oo lagu sameynayo dhinacyadda warshadaha, beeraha, iyo dalxiiska.

Ruto ayaa adkeeyay iskaashiga soo jireenka ah ee ka dhexeeya labada dal, isaga oo xusay saameynta wax ku oolka ah ee ay leeyihiin mashaariicda kaabayaasha dhaqaalaha ee uu Shiinuhu maalgeliyay, sida Tareenka Xawaaraha Dhexe (Standard Gauge Railway), Dekedda Lamu, iyo Waddada caasimaddaas ee Nairobi Expressway.

Madaxwaynah Kenya Willaim Ruto oo ku guda jira khudbad uu ka jeediyay magaalada Beijing ayaa sheegay in ay wax badan wada qabsadeen iyaga iyo China, “Kenya waxay ka tirsan tahay Barnaamijka Belt and Road Initiative, natiijooyinkuna waa kuwo la arki karo, laga bilaabo tareenka Mombasa, Nairobi, Naivasha ilaa terminal-ka shidaalka ee Mombasa iyo mashaariic badan oo waddooyin ah. Kuwani ma aha oo keliya kuwa wax ka beddelaya Kenya, balse waxay sidoo kale xoojinayaan isku xirka gobolka Geeska Afrika.”

Heshiisyada cusub ee la saxiixay ayaa in ka badan $950 milyan waxaa lagu maalgalinayaa waxyaabaha mudnaanta u leh Kenya, $320 milyan oo kamid ah lacgtan ayaa loo qoondeeyay warshadaha, sidoo kale beeraha ayaa loo qoondeeyay $430 milyan, halka lacag gaaraysa $230 milyan lagu maalgelinayo dalxiiska.

Booqashada Madaxweynaha Ruto oo ah tiisii saddexaad ee uu ku tago Shiinaha tan iyo markii uu xafiiska la wareegay waxay ku soo beegantay xilli ay isbeddello ka socdaan is xulufeysiga caalamiga ah ee ka socda dunidda, taasoo muujinaysa sida Kenya uga go’an tahay xoojinta xiriirka ay la leedahay Shiinaha xilli ay gudaha dalkeeda ka socdaan dib-u-habeynno dhaqaale oo caalami ah.