Madaxweynaha dalka Jabuuti oo soo gaaray Magaalada Muqdisho

0
623

Madaxweynaha dalka Jabuuti oo soo gaaray Magaalada Muqdisho

Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa soo gaaray Magaalada Muqdisho, iyadoo si wayn loogu diyaar garoobay soo dhaweynta Wafdiga Madaxweyne Geelle ee maanta soo gaaray Muqdisho.

Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde, waxaa Wafdiga Madaxweynaha ku soo dhaweeyay Madaxweynaha Somaliya Maxamed C/laahi Farmaajo oo kaga hortagay Madaxweynaha ilinka hore ee Diyaarada.

Madaxweyne Geelle & Madaxweyne Farmaajo ayaa salaam Sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan Ciidamada lagu diyaariyay Garoonka Aadan Cadde ee soo dhaweynta Wafdiga Madaxweynaha loogu talo galay.

Ammaanka Magaalada Muqdisho ayaa si wayn loo adkeeyay, iyadoo Wafdiga Madaxweynaha dalka Jabuuti ay laba cisho sii joogi doonaan Muqdisho.

Madaxweynaha Jabuuti & Wafdigiisa ayaa loo soo galbin doonaa Magaalada gudaheeda, maadaama si wayn loo adkeeyay ammaanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here