Madaxweynaha cusub ee Suuriya Al-Sharaa oo wacad ku maray inuu dembiilayaasha baacsan doono

0
16

Madaxweynaha cusub ee Suuriya Al-Sharaa oo wacad ku maray inuu dembiilayaasha baacsan doono

Madaxwaynaha cusub ee dalka Suuriya, Axmed al-Sharaa, ayaa balan qaaday in uu soo dhisi doono xukuumad ku meel gaar ah oo loo dhan yahay, taas oo ka turjumaysa rag, dumar iyo dhalinyaraba.

Isaga oo tixraacaya nidaamka Bashaar Al-asad ee la afgembiyay, ayuu al-Sharaa ballan qaaday in uu baacsan doono, waa sida uu hadalka u dhigaye, dadka dambiilayaasha ah ee geystay xasuuqa iyo dembiyada ka dhanka bini’aadanimada.