Madaxwayne Muuse Biixi Iyo Wafti Uu Hogaaminayo Oo Safar Ugu Ambabaxay Dalka Jabuuti

0
313

Madaxwayne Muuse Biixi Iyo Wafti Uu Hogaaminayo Oo Safar Ugu Ambabaxay Dalka Jabuuti

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo wefti uu hoggaaminayo, ayaa saaka safar shaqo ugu ambo baxay dalka Jamhuuriyadda Jabuuti, kaddib marti-qaad rasmi ah uu Muuse ka helay Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle.

Safarka madaxweynaha iyo weftigiisa, ayaa qaadan doona muddo kooban, waxana muddada ay madaxweynaha iyo xubnaha weftigiisa ahi halkaas joogaan lagu lafo-guri doonaa arrimo la xiriira xoojinta xiriirka Somaliland iyo Jabuuti.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi waxa ku wehelinaya safarkiisa shaqo wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah Prof. Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon) iyo xubno kale.

Madaxweyne Muuse ayaa dhawaan socdaal ku tegay Magaalada Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya, isagoona halkaas kulamo kula qaatay Madaxweyne Uhuru Kenyatta, iyagoona kala saxiixday heshiis Cusub.

Markii Madaxweynaha Somaliland kasoo laabtay safarkii Magaalada Nairobi ayaa waxaa uu sheegay isaga oo la hadlaayay warbaahinta in xiriirkii dowladda Federaalka Soomaaliya u jartay Kenya uu fursad weyn u yahay Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here