Madaxtooyada Somaliland oo Golaha Guurtida ka Codsatay ka Qaybgalka Gurmadka Abaaraha
Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa si rasmi ah ugu dirtay qoraal Golaha Guurtida, iyada oo si xushmad leh uga codsatay in Golaha Guurtidu door muuqda ka qaato gurmadka abaaraha ba’an ee ka taagan dalka.
Qoraalka kasoo baxay Madaxtooyada ayaa si qoto dheer u sharraxay xaaladda adag ee ay ku sugan yihiin shacabka xoolo-dhaqatada ah ee ay abaartu si xun u saameysay.

Waxaa si gaar ah loo xusay in dad badan ay wajahayaan biyo la’aan iyo baahi nololeed, taasoo u baahan gurmad degdeg ah oo wadajir ah.
Warqadda ayaa sidoo kale tilmaantay in abaartu ay maalinba maalinta ka dambaysa kasii darayso, taasoo keeni karta xaalad bini’aadantinimo oo ba’an haddii aan si degdeg ah wax looga qaban.
Gaba-gabadii Madaxtooyadu waxay ammaan iyo bogaadin u dirtay Golaha Guurtida doorkooda hoggaamineed ee ay ku leeyihiin xilliyada adag, iyada oo la muujiyay rajo weyn oo ah inay mar kale hormuud ka noqdaan dadaallada lagu samata-bixinayo shacabka.