Madaxda IGAD Oo Ka Hadashay Wada Hadaladii Somaliland Iyo Soomaaliya Xilli, Uu Dib U Dhac Ku Yimid Shirkii Guddiyada Farsamo

0
485

Madaxda IGAD Oo Ka Hadashay Wada Hadaladii Somaliland Iyo Soomaaliya Xilli, Uu Dib U Dhac Ku Yimid Shirkii Guddiyada Farsamo

Urur-gobaleedka IGAD ayaa taageeray wada hadalada u dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya oo ay Djibouti martigelisay.

Shir madaxeedkii 36-aad ee Urur-gobaleedka IGAD oo ay hoggaamiyaasha waddamada xubnaha ka ah kaga qaybgaleen khadka tooska ah, ayaa lagaga hadlay horumarka wadahadalada iyada oo dhammaan la muujiyey rajada laga qabo in xal la helo.
“Waxaan bogaadineynaa wadahadalada socda ee Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo Somaliland, ee uu hogaaminayo Madaxweyne Ismacil Cumar Geelle iyo Raiisul Wasaare Abiy Axmed, Waxaan rajo wanaagsan ka filaynaa guddiyada farsamada ee wadaxaajoodka”, ayaa lagu yidhi war ka soo baxay IGAD.
Shirka muuqalaka ee IGAD waxaa ka soo qeyb galay dhammaan hoggaamiyeyaasha IGAD, kuwaas oo ka warbixiyay horumarka laga gaadhay xallinta khilaafaadka Koonfurta Suudaan, jawaabta waddamada xubnaha ka ah urur goboleedka IGAD ee arrimaha COVID-19 iyo arrimo kale oo la xidhiidha iskaashiga iyo is-dhexgalka dhaqan-dhaqaale ee gobolka.

Taageerada IGAD ee wada hadalada Hargeysa iyo Muqdisho ayaa yimid iyadoo ay dhianca dawladda Soomaaliya ka baaqdeen shirarkii guddiyada farsamo ee labada dal ay ku yeelan lahaayeen Djibouti.

Dawladda Soomaaliya ayaa dawladda Djibouti ka codsatay in dib loo dhigo wada hadalada, waxaanay qabsadeen hal toddobaad oo ahdda dhammaaday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here