Madaxda Caalamka Oo Kusii Qul-Quleysa Gudaha Dalka Ingiriiska

0
290

Madaxda Caalamka Oo Kusii Qul-Quleysa Gudaha Dalka Ingiriiska

Boqor Charles ayaa maanta boqollaal Madaxda caalamka ah iyo marti sharafeed boqortooyooyinka dunida ka socda kula kulmi doona qasriga Buckingham , iyadoo maalinta berri ah loo diyaar garoobayo aaska boqorad Elizabeth.

Madaxda la filayo inay ka qeyb galaan waxaa ka mid ah madaxweyne Biden. Biden oo xalay gaaray London wuxuu ka mid yahay ilaa shan boqol oo madaxda dalalka adduunka ah iyo marti sharafeed kale oo la filayo inay munaasabadda ka qeyb galaan. waxaa sidoo kale ah London ku sugan madax uu ka mid yahay madaxweynaha Hindiya.

Ra’iisul Wasaareyaasha dalalka Canada, Australia iyo New Zealand ayaa iyaguna ka mid ah madaxda ku sugan Londona. Xaaska boqor Charles, Camilla, ayaa khudbad la sii duubay uga qyeb qaadaneysa macsalaameynta boqoradda.

Ra’iisul Wasaaraha New Zealand Jacinda Ardern ayaa xaqiijisay inay la kul mi doonto boqorka, amiirka Wales iyo raysal wasaaraha Britain kahor aaska booqradda, iyo in sidoo kale ay Westminster Hall uga qeyb galeyso munaasabadda aaska.

Dhaxal sugaha booqrtooyada Sacuudiga Maxammed Bin Salmaan ayaa isaguna ka mid ah martida lagu casuumay aaska, inkastoo ay cabasho ka timuid kooxaha u dooda xuquuqda aadanaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here