Maamulka Puntland oo gudbiyay Xubnaha Guddiyada Doorashada iyo Xalinta Khilaafaadka

0
310

Maamulka Puntland oo gudbiyay Xubnaha Guddiyada Doorashada iyo Xalinta Khilaafaadka

Maamulka Puntland ayaa soo gudbiyay xubnaha Puntland ku metelaya guddiyada doorashooyinka iyo kan Xalinta khilafaadka doorashada ee heer federal.

Xubnaha la gudbiyay ayaa mid ka mid ah waxa ay tahay dumar iyagoo magacyadoda lagu kala sheegay Cabdiweli Tima-Cadde, Muuse Geelle Faroole, Burhaan Cilmi Filig iyo gabar magaceeda lagu sheegay Yaasmiin.

Xubnaha Puntland ku metelaya guddiyada doorashooyinka iyo kan xalinta khilafaadka doorashada ee heer federal ayaa waxaa Dowladda dhexe usoo Gudbiyay Madaxweynaha Puntland Siiciid Cabdulalahi deni.

Maamulada Hirshabbeelle, Koonfur Galbeed, Jubbaland iyo Galmudug ayaa horay u gudbiyay xubnaha ku metelaya guddiyada doorashooyinka iyo kan xalinta khilafaadka doorashada ee heer federal.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here