Maamulka G/Banaadir oo burburiyey Warshad weyn oo soo saarta Mukhaaradaadka

0
177

Maamulka G/Banaadir oo burburiyey Warshad weyn oo soo saarta Mukhaaradaadka

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa habeenimadii xalay aheyd howlgal burburin ah ku qaaday warshad weyn oo soo saarta maandooriyaha noocyadiisa kala duwan oo ku taallay deegaanka Gubadley ee duleedka magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

Ciidanka Booliska iyo Maamulka Gobolka ayaa cagta mariyay warshada weyn ee lagu farsameynayay maandooriyaha oo ay kamid yihiin Xashiishka iyo Calaqa, waxaana xogta lagu burburiyay hay’addaha amniga ka heleen dadka deegaanka Gubadley .

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale Madaale oo la hadlay warbaahinta ayaa u sheegay in nasiib darro ay tahay in xilligaan ay jiraan Dad qalab cusub usoo iibsaday sidii ay ugu sameyn lahaayeen maandooriye.

Sidoo kale Guddoomiye Madaale ayaa tilmaamay in gacanta lagu dhigay labo gaari iyo dadkii ka shaqeynayay goobta lagu diyaarinayay waxyaabaha maandooriyaha, isla markaana lagu raad-joogo labo qof oo kala ah Rag iyo Dumar oo goobta lahaa.

Isaga oo sii hadlaayay Guddoomiyaha Gobolka ayaa waxaa uu boggaadiyay deegaanka Gubadley oo uu xusay inay kala shaqeeyeen maamulka deegaanka sidii looga hortegi lahaa dhibaatada uu bulshada ku haayo maandooriyaha.

Gaba-gabadii Maamulka Gobolka Banaadir ayaa sheegay in ay ka go’an tahay howlgallada ka dhanka ah maandooriya ee ka socda magaalada Muqdisho, Guddoomiye Madaale ayaa maalmihii lasoo dhaafay waday howlgalo lagula dagaalamayo waxyaabaha maanka dooriya ee lagu iibiyo caasimadda Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here