LASCANOOD : Carruur Walaalo Ah Oo Ku Geeriyooday Biyo Ay Ku Hafadeen

0
437

LASCANOOD : Carruur Walaalo Ah Oo Ku Geeriyooday Biyo Ay Ku Hafadeen

Wararka aan ka helayno Magaalada Laascaanood ayaa ku warramaya in laba carruur ah ay ku geeriyoodeen meel Biyaha laga cabbo oo ku taalla Magaaladaasi.

Carruurta oo ahaa Labo wiil oo walaalo ah ayaa la sheegay in ay u dabaal tageen War ay Biyo ku jireen, waxaana ku hafaday mid ah labada wiil, iyadoo kii kale uu isku dayay sida la sheegay in uu bad-baadiyo balse labadoodii ayaa si wadajir ah ugu hafaday halka ay biyuhu ku jireen.

Dadka degaanka ayaa sheegaya in carruurta Biyaha laga soo saaray, kadibna la aasay,waxaana da’doodu ay kala ahayd 8 jir iyo 9 jir.

Degaanada Baaddiyaha ah ee Gobolka Sool ayaa waxaa ku yaalla Goobo ay Biyuhu galaan, waxaana dadka reer Guuraaga ah ay u isticmaalaan Goobo ay Biyaha Cabbaan oo kayd ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here