Laba ruux oo ku geeriyootay dagaal maleeshiyaad ku dhexmaray Magaalada Gaalkacyo

0
579

Laba ruux oo ku geeriyootay dagaal maleeshiyaad ku dhexmaray Magaalada

Wararka aan ka helayno Magaalada Gaalkacyo ayaa sheegaya laba maleeshiyo inay halkaasi ku dagaalameen, kadib markii ay isku qabsadeen arrimo ku saabsan dhul.

Labada maleeshiyo ayaa ku dagaalamay dhul banaan oo muddooyinkii dambe muran uu ka taagnaa, kaasi oo ku yaalla Xaafadda Garsoor ee Magaalada Gaalkacyo.

Dagaalkaan oo saaka dhacay ayaa wararka waxa ay sheegayaan inay ku dhinteen laba ruux oo ka mid ahaa maleeshiyaadkii ku dagaalamay Magaalada Gaalkacyo.

Inkastoo xaaladda ay tahay mid degan, haddana waxaa cabsi laga qabaa in maleeshiyaadka ay mar kale dagaalamaan.

Odayaasha Xaafadda Garsoor ee Magaalada Gaalkacyo ayaa wada waan waan ku aadan sidii loo xalin lahaa colaadaasi ka taagan Magaalada Gaalkacyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here