Laba qof oo ka tirsan safaaradda Israa’iil ee Maraykanka oo lagu toogtay Washington

0
30

Laba qof oo ka tirsan safaaradda Israa’iil ee Maraykanka oo lagu toogtay Washington

Laba shaqaale oo ka tirsan safaaradda Israa’iil ee magaalada Washington ee dalka Mareykanka, ayaa xalay lagu toogtay meel u dhow matxafka Yahuudda oo ku yaala magaaladaas.

 

Labada qof ee la toogtay ayaa ahaa lamaane da’a yar kuwaas oo qorshaynayay in ay dhawaan is guursadaan, toogashadda ayaa dhacday xili labada qof ay ka soo baxayeen xaflad ka dhaceysay madxafka Yahuudda oo sida la sheegay looga hadlayay sidii loo caawin lahaa dadka reer Qasa.

 

Booliiska ayaa gacanta ku soo dhigay nin 30 sano jir ah oo looga shakisanyahay inuu ka dambeeyay dilka, kasoo magaciisa lagu sheegay Elias Rodriguez, oo ka soo jeeda magaalada Chicago, Booliiska ayaa sheegay in ninkani yahay qofka keliya ee looga shakisanyahay toogashada inuu geystay.

 

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa cambaareeyay dilka, isagoo bartiis Social truth soo dhigay qoraal uu ku tilmaamay in dhacdadani tahay “mid ku saleysan yahuud naceyb”.