Kuuriyada Woqooyi Oo Tijaabisay Gantaal Cusub Iyo Dalalka Dariska La Ah Oo Walaac Xoogan Ka Muujiyay

0
329

Kuuriyada Woqooyi Oo Tijaabisay Gantaal Cusub Iyo Dalalka Dariska La Ah Oo Walaac Xoogan Ka Muujiyay

Kuuriyada Waqooyi ayaa gantaal ku ridday badda Japan, waana markii afaraad oo ay tijaabadasi sameyso bishan.

Cutubyo ka tirsan militariga Kuuriyada Koonfureed iyo Japan ayaa ogaaday gantaalka laga soo riday xeebaha bari ee Kuuriyada Waqooyi.

Ilaa hadda lama oga nooca hubka ay tijaabisay Kuuriyada waqooyi.

Horaantii bishaan Kuuriyada Waqooyi ayaa sheegtay in ay ku guuleysatay tijaabada labo gantaal oo ah nooca loo yaqaan ‘hypersonic.
Sheegashadaas ayaa muran laga keenay islamarkaana madaxweyne Biden ayaa cunaqabatayn dheeri ah ku soo rogay Pyongyang.

Kuuriyada Waqooyi ayaa sheegtay in tijaabinta gantaallada ay qayb ka tahay xuquuqdeeda dhanka madaxbannaanida ee ay u leedahay in ay is-difaacdo.

Dowladda Japan ayaa sidoo kale ka war heshay tijaabada gantaalkani , iyadoo xoghayaha guud ee golaha wasiirada Hirokazu Matsuno uu cambaareeyay kuna tilmaamay mid khatar ku ah nabadda iyo ammaanka gobolka.

In ka yar laba toddobaad, Kuuriyada Waqooyi oo sidoo kale ku hubaysan hubka Nukliyeerka ayaa samaysay saddex tijaabo oo kale oo gantaalo ah, taasi oo lagu tilmaamay wax caadiyan aan dhici jirin.

Todobaadki hore Shiinuhu wuxuu dhaleeceeyay cunaqabateynta cusub ee Mareykanka, laakiin wuxuu sidoo kale ugu baaqay dhammaan dhinacyada inay si taxaddar leh u dhaqmaan oo ay wada hadal yeeshaan si loo yareeyo xiisadaha.
Maamulka madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa cunaqabateyntiisii ​​ugu horreysay ku soo rogay Pyongyang Arbacadii, wuxuuna ugu baaqay golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay in liiska madow lagu daro shaqsiyaad iyo hay’ado dhowr ah oo Kuuriyada Waqooyi leedahay.

Kuuriyada Waqooyi ayaa gego dayuuradaha u isticmaashay tijaabinta gantaalka Hwasong-12 kaasi oo ah nooca riddada dhexe.

Waqooyiga Kuuriya tan iyo 2017-kii ma tijaabin gantaaladeeda riddada dheer ee qaaradaha isaga talaaba iyo hubka nukliyeerka.

Balse tan iyo markii uu hakad ku yimid wadahadaladii niyukleerka ee kala dhaxeeyay Mareykanka ayaa waxay kuriyada waqooyi tijaabisay gantaalo kala duwan.

Kuuriyada Waqooyi ayaa sidoo kale wacad ku martay inn ay sii wadi doonto barnaamijkeeda niyukleerka gaar ahaan sidii ay u heli lahayd gantaalo xambaara madaxyada niyukleerka.

Bayaan ka soo baxay wasaarada arrimaha dibadda ee xukuumadda Kuuriyada Waqooyi ayaa lagu sheegay in inkasta oo laga yaabo in Washington ay ka hadasho diblomaasiyad iyo wadahadal, haddana ficilladeeda ay muujinayaan inay weli ku mashquulsan tahay siyaasaddeeda “go’doominta iyo cabburinta” ka dhanka ah Kuuriyada Waqooyi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here