Kuuriyada Koonfureed oo gantaallo digniin ah ku ridday diyaarad uu leeyahay Ruushka
Kuuriyada Koonfureed ayaa sheegtay in diyaaradaheeda dagaalka ay gantaallo digniin ah ku rideen diyaarad laga leeyahay Ruushka oo hawada dalkaas kusoo xadgudubtay.
Saraakiisha ayaa sheegtay in diyaaradda ay laba mar ku xad gudubtay hawada Kuuriyada Koonfureed gaar ahaan jasiiradda Takeshima oo heysato xukuumadda Seoul isla markaasna ay sheegato inay Jaban leedahay.
Wasiirka gaashaandhigga ee Kuuriyada Koonfureed ayaa sheegay inay diyaaradahooda dagaalka ay ku rideen 360 oo ah madaafiic digniin ah.
Ruushka ayaa beeniyay inay diyaarad ay leeyihiin ay kusoo xadgudubtay hawada Kuuriyada Koonfureed.
Waa markii ugu horreysay ee dhacdo noocan oo kale ah ay dhexmarto Ruushka iyo Kuuriyada Koonfureed.
Maxay Kuuriya Koonfureed ka tiri arrinkan?
Ciidammada milateriga ee Kuuriyada Koonfureed ayaa sheegay in diyaarad ay ka mid ahayd saddex diyaaradood ee laga leeyahay Ruushka iyo laba ay leeyihiin ciidammada milateriga ee Shiinaha, kuwaas oo kusoo xadgudbay hawada maalintii Talaadada ahayd.
Diyaaradaha shisheeye ee maraya halkaasi waxa looga baahanyahay inay wargeliyaan ka hor inta aysan gelin dhulka KADIZ.
Kuuriyada Koonfureed ayaa sheegtay in mid ka mid ah diyaaradaha laga leeyahay Ruushka ay kasoo tallaabday hawada ku beegaan dhulka KADIZ .
Diyaaradaha Kuuriyada Koonfureed ee F-15 iyo F-16 ayaa isla markiiba sameeyey howlgallo ka dhan ah.
Falcelinta siday ahayd?
Madaxa ciidammada Qaranka ee Kuuriyada Koonfureed, Chung Eui-yong, ayaa sheegay inay digniin u direen ciidammada ammaanka ee Ruushka.
“Waxaan xaaladdan ka qaadanaynaa go’aan adag, haddii mar kale ay dhacdadana waxaan ka qaadanaynaa tallaabo adag.” Ayuu yiri Mr Chung.
Dowladda Jaban ayaa sidoo kale dacwad u gudbisay Kuuriyada Koonfureed iyo Ruushka.
Marka qaladka muxuu ahaa? Miyey diyaaddan laga lahaa Ruushka ay si lama filaan ah u gashay xadka Kuuriyada Koondureed?
Saraakiisha ayaa sheegtay in diyaaraddan oo nooceeda ahayd A-50, ay bixinaysay digniin ayna bartilmaamsanaysay hawada Kuuriyada Koonfureed.
Waxa ay sheegeen in laba mar ay soo galeen xadka Kuuriyada Koonfureed.